Turkiga oo sameeyey gaari daroon wata oo howlo muhim ah qaban kara (Meel uu ku fiican yahay)

0

(Ankara) 12 Sebt 2021 – Shirkad Turkish ah oo reer Ankara ah ayaa samaysay gaari afartaba ka dhaqaaqa oo ah 4×4 oo mari kara nooc kasta oo dhul ah isla markaana daroon wata kaasoo meelaha rafka ah si sahlan uga bixi kara isagoo leh fudayd iyo xawaare aan caadi ahayn.

Gaariga Droad 4×4 ayaa jawaab deg deg ah ka bixin kara aagagga xuduudaha u dhow, isagoo la socon kara amaanka xadka, qulqulka aan caadiga ahayn ee socotada sharci darrada ah iyo xitaa dabka kaymaha ka kaca, sida ay sheegtay Robit Teknoloji.

Wuxuu kale oo qaadi karaa xamuul isagoo ururinaya xogo kala duwan oo cir iyo dhulba ah, sida sahan, sirdoon iyo gudbin deg deg ah oo ku saabsan xogaha uu helo.

Robit Teknoloji ayaa sheegaysa inay weliba sii wadayso daraasadayn ku aaddan sidii muuqaallo kale loogu soo kordhin lahaa gaarigan oo sidii saldhig sirdoon oo guur guuraya u shaqayn kara.

Wuxuu kaloo shaqayn karaa 24/7 saacadood todobada maalmood isagoo taageero howlgal siinaya ciidamada, sida uu faahfaahiyey Agaasimaha Guud ee Robit, Nevzat Kocasaraç.

Hadalsame Media