Dood ku saabsan inuu Muslim yahay Haaland & in kale oo ka taagan baraha bulshada (Arag yaabkan)

0

(Dortmund) 11 Sebt 2021 – Laacibka Erling Haaland ayaa baraha bulshada ka dhaliyey dood ku saabsan diinta uu haysto.

Qannaaskan reer Norway ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter kusoo qoray Alxamdulillaah kaddib markii uu gool rigoore ah oo guuleed ka dhaliyey kulankii ay 4-3 uga adkaadeen Bayer Leverkusen.

Waloow alxamdullilaah ay sidoo kaleba adeegsadaan Carabta Masiixiga ah misna dad badan ayaa is waydiiyey inuu Muslimay iyo in kale, maadaama ay kelmaddaa Muslimku u badan yihiin.

Taageerayaasha qaar ayaa ku dooday in sababtu tahay laacibka oo la dabbaal degayey Maxmuud Daahuud oo ah laacib Muslim ah.

Tan ugu darani waa in ay kooxdiisa Borussia Dortmund uga koobisay “”Alxamdulillaah Xabiibi.”

Hadalsame Media