”Haddii ay sidan ku socoto ciidankayga waan kala baxayaa!” – MW Uganda oo si caro leh uga hadlay xaaladda Somalia

0

(Kampala) 09 Sebt 2021 – MW Uganda, Yoweri Museveni ayaa si quus ah uga hadlay qaaquullada siyaasadeed iyo qayrul mas’uulnimada ka muuqata DF Somalia oo maalmihii ugu dambeeyey isku dhegganayd.

Museveni oo u warramayey hilinka caalamiga ah ee France 24 ayaa sheegay in dhibka Somalia ay tahay iyada oo aanay ciidankii guduhu qaadi karin mas’uuliyaddii amaan ee dalkooda, taasoo ku tilmaamay ”Aids siyaadeed”.

”Haddii ay amaankooda la wareegi lahaayeen xaaladda waxaa la xallin lahaa mar hore, waa in uu jirku is difaacaa haddii uusan is difaaci karin (wuxuu ulaa jeedaa ciidanka amaanka) waxay ka dhigan tahay inaad la bugto Aids siyaasadeed.” ayuu yiri Museveni.

Museveni ayaa ku gooddiyey inuu ciidankiisa kala bixi doono Somalia haddii ay xaaladdu sidan iska sii ahaato isagoo weli sheegay in aanu laftiisu aaminsanayn in ciidan shisheeye ay wax xallin karaan haddii aan la helin xal maxalli ah oo ka yimaada dalka la caawinayo laftiisa.

”Waxaan arrintan lasoo qaadi doonnaa ururka Midowga Afrika, balse aniga laftaydu ma aaminsani in faragelin shisheeye wax xallinayso.” ayuu raaciyey.

Dadka siyaasadda Somalia falanqeeya ayaa rumaysan in dhibka jira ay ugu wayn tahay dadka maamula siyaasadda Somalia min DF ilaa Maamul-goboleed oo aan lahayn karti, garasho, daacadnimo iyo qorshe dalka looga saari karo dhibka taagan, iyadoo daliisha nooli ay tahay sida haatan loola dhaqmayo kiiska gabar la la’yahay oo loo rogey xasarad siyaasadeed oo dhan walba ah.

Hadalsame Media