DHEGEYSO: Waa kee ninka ay Ikraan hadda kahor ka sheegatay ee ka tirsan Nabad Sugidda NISA?!!

0

(Muqdisho) 09 Sebt 2021 – Ikraan Tahliil ayaa fiidnimadii 26-kii Juun waxaa xaafadeeda looga soo qaaday gaari xaajiyad ah oo ay leedahay NISA, sida ay sheegeen qoyska gabadha oo aan raq iyo ruux dib loo arag.

Nabad Sugidda NISA ayaa horraantii bishan soo saartay warbixin aan lagu qancin isla markaana aanay wax caddayna lahayn oo ay ku sheegeen in ay Shabaabku afduubteen oo deeto dileen, kuwaasoo iyaguna beeniyey.

Hooyada gabadha Qaali Maxamuud Guhaad ayaa ka sheekaysay arrin tuhun dhalisay oo marka lagu daro sababta gabadha habeen loo kexeeyey keenaysa in ay dadku ka fikiraan in ay dhici karto in gabadha la kufsaday kaddibna la diley si loo qariyo waxa dhacay.

Hooyada gabadha ayaa sheegtay inay maalin Ikraan soo wacday ayna u sheegtay inay walaacsan tahay oo madaxu xanuunayo maxaa kugu dhacay markii ay waydiisayna ay u sheegtay in ”wax aysan jeclaysan uu waydiiyey isla markaana uu handadey ninka la yiraahdo Kullane Jiis.”

Halkan hoose ka dhegeyso…

Hadalsame Media