SIR CULUS: ”Aabaha nukliyeerka Pakistan” oo xog xasaasi ah u gudbiyey dal kale oo Muslim ah (CIA oo la isku hayo inay is indha-tirtay & inay il-duuftay)

0

(Hadalsame) 08 Sebt 2021 – CIA ayaa sida cad aan wax wacaal ah u haynin inuu Khan indhohooda iyo sankooda dhexdooda ka furtay samaysta “suuq wayne nukliyeer” halkaasoo uu xitaa ku iibiyey xogo badan oo qumbuliyaddan la xiriira oo uu siiyey dowlado qalaad oo uu Sucuudigu ka mid yahay. Aqri qaybtii 2-aad…

Waxaa arrintan lagu tilmaamay dayacaad iyo il-duuf sirdoon oo aad u qara wayn oo ka yimi dhanka ICA, waxaase kale oo jirta aragti kale oo ah inay ogaayeen, balse ay ka il qabsadeen iyagoo weliba sirdoonnada kale ka difaacey, weliba kuwa Maraykanka ah, balse waa aragti aan xoogganayn.

Ninkan ayaa markii uu sanado wadey howlaha raadinta iyo weliba sii iibinta xogaha nukliyeerka, waxay dowladda Pakistan ay markii dambe ka dhigtay la taliyaha dhinaca sayniska iyo tiknolojiyadda, isagoo noqday nin ay dadku aad u jecel yihiin. 1998-kii, wuxuu xitaa qaatay magaca ‘Mohsin e-Pakistan’ (Badbaadiyaha Pakistan), kaddib markii ay Paskistan tijaabiyey 6 bambo oo nukliyeer ah.

5 sanadood kaddib se, maamulkii George Bush ayaa Khan ku helay inuu lug ku leeyahay in nukliyeerka laga iibiyo dalal kale, waxaana sanad kaddib laga qaaday xilkii, waloow uu sheegay in uu kaligii shaqaysanayey oo aanay Islamabad arrinta la ogayn, isagoo qirtay doorkiisii.

Yeelkeede, madaxdii Baariska Hubka Halista ah ee Sweden ee Hans Blix, ayaa ku dooday in Khan aanu kaligii howlgeli kareen haddii aysan la ogayn “dowladda dalkaasi Pakistan,” kaasoo ah moowqif ay la wadaagaan Maraykanka iyo Hay’adda Tamarta Atoomikada Adduunka ee IAEA, oo ku baaqday in Khan la maraanmaro.

Waxaa se codsigaa diiddey Islamabad, waloow ay dowladda kala xiise dheceen sanadihii dambe, isagoo in badan ku qaatay xabsi guri kaddib markii uu dadwaynaha u sheegay inay dowladdu la ogayd howlaha uu ku iibinayey xogaha nukliyeerka.

Sanaddii 2020-kii, wuxuu ciidamada amaanka ee la dejiyey guri kasoo horjeeda kiisa uu ku eedeeyey inay diideen in ay gurigiisa soo booqdaan dad qaraabo, qarreenno iyo asxaab iskugu jira.

Bishii Agoosto ee sanadkan, waxaa Khan ku dhacay cudurka Covid-19, waxaana la dhigay isbitaalka iyadoo uu caafimaadkiisu sii xumaanayo, iyadoo ay in badan oo ay ku jiraan Islamabad iyo Washington rajaynayaan inuu qabriga la galo siro badan oo uu hayo.

Dhamaad…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media