SIR CULUS: Sida ay Pakistan ku heshay hubka nukliyeerka ah oo la kashifay (Pakistan oo adeegsatey qalab ay CIA-du lahayd)

0

(Hadalsame) 08 Sebt 2021 – Tan ugu yaabka badani waa sida loo boolleeyey turubka CIA, waayo si dhow ayay u ogaan kartey xogaha xasaasiga ah ee ay is dhaafsanayeen dowladda iyo sirdoonka Pakistan. Sababtuna waxay tahay in Islamabad ay ka mid ahayd dalal badan oo adeegsanayey agab la isku dhaafsado xogaha baaqaysan (encrypted) oo ay samayso shirkadda Swiss-ka ah ee  Crypto AG si ay kayballada diblomaasiga ah uga ilaaliyaan indhaha caadiga ah. Aqri qaybtii 1-aad…

Yeelkeede, waxaysanba ogayn in sharikadda Crypto AG lafteedaba ay iska lahaayeen CIA-da iyo Sirdoonkii Jarmanka Galbeed, balse aysan sidaa cidina u ogayn. Sidaa darteed, xog kasta oo qarsoodi ah oo ay ku diraan agabyada Crypto AG si sahlan ayaa lagu baaq-bixin karey.

Waxaa weliba aad loo fahamsan yahay in Pakistan ay xogeheeda ku aaddan xatooyada xogaha nukliyeerka ee ay Yurub kasoo ururinaysey la marsiinayey mashiinnadan. Ninka howsha udub dhexaadka u ahaa waa Abdul Qadeer Khan, oo ahaa caalim wax ku bartay Belgium iyo ”Aabaha nukliyeerka Pakistan”, kaasoo farsamada sentarifiyuujyada kasoo xaday dallad ka kooban Ingiriiska, Holland iyo Jarmanka oo uu u shaqaynayey, taasoo la yiraahdo URENCO.

Wuxuu deeto adeegsadey shabakaadka dibadeed ee uu lahaa si uu mashiinnadan uga soo daad gureeyo Yurub oo idil, taasoo Islamabad u saamaxdey inay bilowdo samaynta iyo horumarinta nukliyeerka.

Waxaa yaab lahayd in howlaha Khan ka wadey Netherlands ay soo jiiteen dareenka maamulka dalkaasi, balse markii ay u dhaqaaqeen in la xiro ay soo faragelisey CIA-da oo codsatay inaan dacwad lagu soo oogin 1975-kii, sida uu sheegay RW xilligaasi Ruud  oo isagu markaa madax ka ahaa Holland, weliba waxay CIA-du ku doodday inay ninkan iyagu isha ku hayaan oo ay kala socdaan xaruntooda Langley ee Virginia, balse waxaa markii ugu horreeysey si rasmi loosoo bandhigay tixraaciisa 1979-kii, markaasoo lagu xusay kayballo ka yimid dhanka Wasaarad Dibadeedka Maraykanka.

Khan ayaa markaa ku noqday Pakistan 3 sanadood kahor, iyadoo uu Agaasimihii xilligaa ee CIA, George Tenet uu ku faanay“waxaannu ku jirney halka uu deggan yahay, iyo xitaa qolkiisa.”

Saasoo ay tahay waxaa la is waydiinayaa sababta aysan CIA tillaabo u qaadi waydey  haddiiba ay ogayd, maadaama la hubo inaysan Pakistan u saamaxdeen samaysiga hubkan halista ah ee istaraatijiga ah. Xitaa MW xilligaasi ee Jimmy Carter uu xitaa sheegay in la keenay hindise ahaa “in Pakistan gargaar la siiyo qaamahana laga dhaafo si ay barnaamijkan uga harto, taasoo ahayd istaraatijiyad keeni kari lahayd inay dalal badani ku gooddiyaan in lacag la siiyo haddii kale ay hubkan yeelanayaan.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media