SIR CULUS: Sida ay Pakistan ku heshay hubka nukliyeerka ah oo la kashifay (Dalal uu Maraykanku ka mid yahay oo weji gabax kala kulmay)

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2021 – Weriyaha dabagalka sameeya ee Kit Klarenberg ayaa soo bandhigay xog xasaasi ah oo ku saabsan sida ay Pakistan ku heshay hubka nukliyeerka ah ee ay samaysatay iyadoo aanay reer Galbeedku marna u ogolaadeen, tiiyoo ay weliba adeegsatey agabkooda iyo qalabka xogaha siraha lagu gudbiyo oo ay isla iyagu leeyihiin.

Dokumentiyo aan caadi ahayn oo dhowaan lagu daabacay Kaydka Amaanka Qaranka ee National Security Archive ayaa tooshka ku shidaya sida ay CIA uga il duuftay arrintan oo sankeeda marmaraysey, sida uu qoray.

Pakistan ayaa raadinta hubka nukliyeerka bilowday sanadkii 1967-kii, iyadoo ka dabaaqaysey barnaamijka nukliyeerka ee Hindia, waxaana arrinta sii xoojiyey kaddib markii looga adkaaday Dagaalkii Xoraynta Bangladesh, kaasoo ay Islamabad ku waydey 150,000 km oo jibbaaran oo ah dhulka ay ku fadhidey East Pakistan (Bangladesh) oo ay Hindiya caawisay.

Dokumentiyada ayaa caddaynaya in Wasaarad Dibadeedka Maraykanku ay arrintan ogaatey uun 1978-kii, markaasoo ay xogta ka heshay diblomaasi British ah.

Waxaa loo sheegay in 2 sanadood kahor xilligaa ay Pakistan inverters kasoo iibsatey sharikad UK ah, taasoo ay London ka shakisnayd in loo adeegsanayey wershad “bacrimin ah”, waxaase cajiib ahayd in xilligaas aan xogan lala wadaagin hay’adda CIA oo Maraykanka ugu qaybsan siraha caalamiga ah.

Dokumentiyadani waxay sheegayaan in Wasaarad Dibadeedka Maraykanku ay ku tiirsanayd xogaha ay ka hesho sirdoonno shisheeye gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska, balse ilaa Jannaayo 1979-kii ma ay helin xog hubban oo ku saabsan in Islamabad ay bacriminayso macdanta uranium-ta iyadoo adeegsanaysa santarifiyuujyo gaas ku shaqeeya.

Waxaa kale oo yaab leh in London ay bilo kahor sii ogayd in Islamabad ay “ay heli karto shidaal ku filan samaynta ugu yaraan hal bambo oo nukliyeer ah 1981-kii ugu horreeyn,” balse Aqalka Cad ayay af kala taag ku noqotay inuu arrintan gadaal ka ogaadey.

Waxaa ka daran CIA waxa ku dhacay iyada oo weliba la adeegsanayo hannaan ay iyadu leedahayna laga dul qadeeyey iyo sida agabka laga sameeyey nukliyeerkan looga soo qaaday isla Yurub.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media