”Waxaa u dhacay wax u eg qalashadii Jamaal Khaashuqji” – 2 hay’adood oo loo jeediyey inay tillaabo qaadaan

0

(Muqdisho) 08 Sebt 2021 – Waxaa qasan xaaladda kaddib markii xasarad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah loo rogey kiiska Ikraan Tahliil oo sida muuqata ay si dadban dilkeeda u qirayaan hadallada kasoo baxaya dadka ku dhow dhow Madaxtooyada oo uu midkood ku dooday in ”dadka la dili jirey awalba.”

Haddaba, qoraaga Ibraahim Hawd Yuusuf ayaa soo jeediyey hindise ah in arrintan uu soo farageliyo Xeer Ilaalintu, waloow aan la ogayn inta la isku hallayn karo garsoorka iyo guud ahaanba hay’aadka loo dhiibey dad saaxiibbo ah oo aan lahayn hab-howleed iyo hab-raac hufan toona.

”Meesha waxaa ka dhacay dembi weyn oo u eg qalashadii Jamaal Khaashuqji. Sidaa darteed u gu yaraan Xeerilaaliyaha Guud waa in uu dacwad ku oogaa Fahad Yaasiin iyo ninkii Ikraan Tahliil gurigeeda ka qaaday, waana in uu soo qabashadooda amar ku bixiyaa,” ayuu soo jeediyey Hawd.

”Baarlamaankuna u gu yaraan waa in uu madaxda dalka waraysi u gu yeedhaa. Waxa kale ee meesha la ga wado oo dhan anigu dheel shirib baan u arkaa.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media