Wiil 5-jir ah oo loo sheegay inuusan waxba qabin oo xaalad halis ah galay & isbitaalkii oo lagu dheggan yahay (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2021 – Wiil 5-jir ah oo ka sheeganayey shuban iyo qandho ayaa gurigiisii loo diray iyadoo aan wax baaris ah lagu samaynin. Arrintan ayaa ka dhacday qaybta gargaarka deg degga ah ee isbitaalka Universitetssjukhuset ee Örebro.

Wiilka ayaa markii dambe baaris lagu sameeyey lagu ogaadey inuu caloosha si daran uga xanuunsan yahay. Waxaana maalintii xigtey la ogaadey inuu malawadka ka dillaacay oo uu u baahan yahay qalliin deg deg ah.

Warbixin ay soo saartay Lex Maria ayaa lagu sheegay in wiilku uu halis ugu jiro dhiig sumow isla markaana arrinkiisa iminka la baarayo.

Hadalsame Media