”Waxay sigaar la fariisteen albaabkii tareenka oo ay lugta u dhigayeen markasta uu dhaqaaqi rabo”

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2021 – Mararka qaar qaladaadka aan samayno haddaan nahay Madoow looma dulqaadan karo, laba Nin oo madoow ah oo aan qiyaasayo inay ka yimaadeen shaqo habeen ah ayaa aroornimadii saakay waxay raacayeen Tareen aad u camiran oo ay saaran yihiin dad iyagana shaqo ku kallahaya.

Labadii nin halkii ay Tareenkii raaci lahaayeen ayay laba Sigaar ah oo ay mar dhow shiteen ay Tareenka iriddiisii ku cabayaan, iyagoo sugaya illaa inta ay sigaarka ka dhameynayaan, mar kasta oo uu Tareenku inuu dhaqaaqo damcana iridda ayay labada gacmood iyo lugaha ku celinayaan.

Sigaarkoodii ayay iska cabayaan, Tareenku ma dhaqaaqi karo iyagaa albaabkii la xiri lahaa hor taagan.

Waxaa Tareenka saaran dad badan oo daqiiqad ku xisaabtamaya, qaar baa haddii tareenkoodani daaho weynaya Tareenno kale iyo Basas ay ku beddelan lahaayeen, qaar baa laga yaabaa inay shaqooyin muhiim ah ku kallahayaan.

Aniga raggaa meel agtooda ah ayaan Tareen ku sugayay inta xanaaqay ayaan iri “War Tareenka Fuula ama sii daaya nijaasyahay”.

Mid kale oo saddexaad oo raggaa la socday oo isna aan isku tareen sugayno ayaa isoo eegay isagoo ila yaaban, waxaan ka hadlayana aanba fahamsanayn.

Waan ogahay shaqadaas Booliis ayaa lahaa, laakiin waxaa cad in inteenna badan aan dhulalkaan ku soo qaldannay. Aan is xisaabinno!

Waxaa Goobjoogey: Yaxye Y Khasaaro

Hadalsame Media