”Nasoo booqo!” – Daalibaan oo dalkooda ku casuumey haweenay hoggaamisa dal reer Galbeed ah oo ay sheegeen inay aad u ”qadariyaan”

0

(Kabul) 06 Sebt 2021 – Kooxda Daalibaan ayaa Shansalarka Jarmanka ee Angela Merkel u jeediyey inay soo booqato dalka Afghanistan, oo ay sheegeen inay “meel gaar ah” ku leedahay.

Waraysi uu warqaadka German-ka ah ee Bild maanta siiyey afhayeenka Daalibaan, Zabiullah Mujahid, ayaa ku sheegay inay si “dhab ah usoo dhowaynayaan” Merkel.

“Annagu marka horeba waxaannu doonaynaa in aannu xiriir wanaagsan la yeelanno Jarmanka. Imaaradda Islaamiga ihi waxay doonaysaa inay xiriir diblomaasi la yeelato Dowladda Jarmanka,” ayuu yiri Mujahid.

“Marka 2-aad, waxaannu doonaynaa inuu Jarmanku naga taageero dhinacyada aadminnimada, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaan qabnaa in dalka Jarmanku uu run ahaantii na caawin karo.” ayuu raaciyey.

Berlin ayaan weli aqoonsanin dowladda Daalibaanka, balse waxay muujisay inay kaalmo aadminnimo siinayso dalkan, iyadoo uu Jarmanku xirey Safaaraddiisii Kabul, kaddib markii la wareegeen kooxda Daalibaan 15-kii Agoosto iyagoo Danjire Markus Potzel u raray magaalada Dooxa.

Ha yeeshee, Dowladda Jarmanka ee ay Merkel hoggaamiso ayaa xiriir diblomaasiyadeed weli la leh Daalibaanka, iyadoo uu Wasiir Dibadeedka Heiko Maas uu dhowaan sheegay inay dhici karto inay dib u furtaan safaaraddooda ”haddii ay xaaladdu saamaxdo.”

Hadalsame Media