”Somalia waxaan xiriir la lahayn muddo 600 oo sano ah kahor waxayna ku jiraan dalalka nagu daray QM!” – Danjiraha cusub ee Shiinaha

0

(Muqdisho) 06 Sebt 2021 – Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa sheegtay inuu halkaa gaarey Danjiraha cusub ee Shiinaha ee dalkaasi, Mr Fei Cheng Chao.

Danjire Chao ayaa dhamaadkii bishii hore qoraal uu soo dhigay webka Safaaradda Shiinaha ee Somalia wuxuu uga hadlay xiriirka labada dal oo uu sheegay inuu soo bilowday 600 oo sanadood kahor markii uu Muqdisho booqday badmaaxii Chinese-ka ahaa ee ZENG He, mar uu marayey Bariga Afrika.

Wuxuu kaloo ka sheekeeyey inay Somalia ahayd dalkii ugu horreeyey ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha marka ay timaado Bariga Afrika, iyadoo ku jirtey dalalkii Afrika ee garabkooda ku qaaday Shiinaha si ay u helaan kursiga QM oo ay Taiwan ku fadhin jirtey.

Wuxuu intaa raaciyey in xiriirka labada dal oo soo jirey muddo 60 sanadood ka badan uu ku dhisnaa iskaashi, ixtiraam iyo in la isula macaamilo sidii laba dal oo siman si la isula wajaho caqabadaha waawayn ee hor yaalla labada dal.

Hadalsame Media