RW Rooble oo qaaday tillaabadii 1-aad tan iyo markii uu sheegay inuu xilka ka xayuubiyey Agaasinka NISA + Sawirro

0

(Muqdisho) 06 Sebt 2021 – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo
Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.” Ayaa la raaciyey.

Waa tillaabaddii ugu horreeysey ee uu Rooble qaado tan iyo markii uu sheegay inuu xilkii ka qaaday Fahad Yaasiin oo uu Farmaajana soo saaray war sheegaya inuu xilka sii haynayo.

Hadalsame Media