FALANQAYN: Maxay tahay halka la furi la’yahay ee ay iskaga xiran yihiin Fahad & Farmaajo?!!

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2021 – Fahad Yaasiin wax aynnu barannay markii uu bilaabay in uu mareegaha Soomaalida wax ku qoro, gaar ahaan Somalitalk.com, labaataneeyo sano ka hor. (Anigu wax aan bartay 2002).

Haddii aan dib wax u eego laba xaaladood buu ninkani berigaa ku jiray fikir ahaan iyo hab-dhaqan ahaan. Fikir ahaan wax uu ka tirsanaa ururradii Soomaalida ee xagjirka ahaa, dhaqan ahaanna wax uu u muuqday wiil heedaddaw ah oo mustaqbalkiisa dabaylaha ka dhex raadinaya.

Nin da’yar oo xagjirnimo iyo heedaddaw isu gu darsameen aad buu u gu nugul yahay in uu haadaan ka dhaco ama balaayo ku shaqaysato. Taa waxaa xigtay in ay dawladda Gadar gacanta ku qabatay, tababar siisay, kana dhigatay wariyaheeda Aljazeera ee Soomaaliya.

Dagaalkii weynaa ee Itoobbiya iyo Muqaawamada oo ururrada xagjirka ahi ku badnaayeen ayaa magaca Fahad Yaasiin soo saaray, markaa ka dib buuna muhiim u noqday is ku xidhka ururrada xagjirka iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya isaga oo matalaya wariyaha Aljazeera.

Maalintaa waxii ka dambeeyay Fahad wax uu ahaa basaaska u gu weyn gayiga Soomaaliyeed, sida aan qabo, kaas oo is ku mar la gu fushado faragalinta iyo jihaynta dawladda Soomaaliya iyo is la markaa xoojinta argagixisada Shabaab.

Farmaajo Fahad wax uu u soo dhowaystay in uu helo taageerada awoodaha uu basaaska u yahay, oo lacagtaa Gadar u gu horrayso, baahidaas oo ku sii badanaysay mar kasta oo mucaaradkiisu sii xoogaysto.

U gu dambayn wax aan qabaa Farmaajo in uu gacanta u galay Fahad Yaasiin oo uuna maanta xor ka ahayn.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media