Daalibaan oo ku guulaystey dagaalkii Dooxada Panjshir (Mascuud & Saalax oo meel ay jaan & cirib dhigeen la la’yahay)

0

(Kabul) 06 Sebt 2021 – Daalibaan ayaa sheegtay inay ka itaal roonaadeen iska caabintii ugu dambaysey ee dalka  Afghanistan, taasoo ka socotey dooxada Panjshir Valley ee woqooyiga kaga beegan Kabul, xilli uu dalkaasi u duulay diblomaasi sare oo Qadari ah.

Gobolka haatan gacan galay ayaa waxaa uu ahaa halkii ugu dambeysey ee ay joogeen malliishiyaad iyo qaar ka tirsan ciidankii kala cararay ee dalkaasi, iyadoo aysan Daalibaanku halkaa qabsan markii ay jiirayeen aagagga kala duwan ee gobollada Afghan-ka.

Haatan kumannaan ka tirsan dagaalyahanka Daalibaan ayaa la sheegayaa inay dardareen 8-da degmo ee gobolka Panjshir habeennimadii, iyagoo haatan guud ahaan dalka gacanta ku haya sida uu sheegtay Zabihullah Mujahid.

“Waxaannu isku daynay inaan wada xaajoodyo wax ku dhamayno, waase diiden warka wefdigii aan u dirnay marka waxaan u dirnay ciidan la dagaallama, balse guushani waxay soo afjaraysaa wixii dagaal ah.” ayuu yiri Mujahid oo shir jaraa’id ku qabtay Kabul.

Ciidamada loogu yeero National Resistance Front (NRF) ayaa saakadii hore laftoodu qirtay in laga saa’id caleeyey iyagoo ku baaqay xabbad joojin, waxaana ilaa haatan wacaal laga la’yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen MW Xigeenkii hore, Amrullah Saleh, iyo wiilka Hoggaamiye-kooxeedkii Ahmad Shah Massoud ee Massoud.

Hadalsame Media

Facebook Comments