”Waxaan dadka Somalia siinaynaa taageero dhinac walba ah inta ay ka nabadoobayaan!” – Turkiga

0

(Ankara) 05 Sebt 2021 – Wasiirrada Gaashaandhigga Turkey iyo Somalia ayaa ka wada xaajoodey arrimaha xiriirka labada iyo kuwa gobolka, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amaanka qaran.

Wasiir Hulusi Akar ayaa Turkiga ku qaabiyey Hassan Hussein Haji oo ay ku kulmeen caasimadda Turkiga ee Ankara oo sidoo kale ay ku taallo xarunta dhexe ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Waxay labada wasiir oo kulan rasmi ah oo fool ka fool ah yeeshay ay ka wada hadleen arrimaha amaanka iyo daafaca, sida ay faafisay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.

Akar ayaa intaa raaciyey in Turkey iyo Somalia ay dhisteen xiriir ku dhisan saaxiibtinnimo oo dhinac kasta ah, dhanka ciidamada iyo xitaa dhanka siyaasadda iyo diblomaasiyadda.

Turkey ayuu sheegay inay sii wadi doonto inay dadka Somalia siiso kaalmooyin dhinac walba ah ilaa laga hubiyo inay ku nool yihiin jawi nabdoon oo badbaadsan, sida uu yiri.

Turkiga ayaa gacan wayn ka gaysta tababarka ciidamada Somalia ee kala geddisan, waloow aysan weli jirin siyaasad sidaa usii qodan oo lagu hanto ciidankaasi oo aan xitaa lahayn nidaam lagu dayactiro oo micne leh, marar badanna siyaasadda loo adeegsado.

Hadalsame Media