48-da saacadood ee loo qabtay Agaasinka Guud ee NISA & arrimaha ay kashifi karto

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2021 – Ikraan Tahliil goortii qoyskeedu waayeen su’aashoodu wax ay ahayd: Haddii aad tihiin saraakiisha NISA, meeday gabadhayadii, waayo idinka ayaa gurigeeda ka kaxaystay saacad aan caadi ahayn, keligiin baana masuul ka ahaa?

Haddaba NISA si yar oo aan macno lahayn bay su’aasha u ga jawaabeen oo wax ay is ka dhaheen: Gabadhiinnii argagixisada Shabaab baa afduubatay. Wax xog ah iyo wax caddayn ah ka ma ay keenin Ikraan in Shabaab qafaasheen, sidii ay ku qafaasheen, meeshii ay ka qafaasheen iyo goortii ay qafaasheen.

NISA mar kale si yar oo aan macno lahayn ayay isaga yidhaahdeen: Ikraan Shabaab baa afduubtay oo la tagay Gobolka Jubba halkaana ku dilay. Dilkaa ay sheegeenna wax caddayn ah u ma ay keenin haba yaraatee.

Qoyska gabadhu ka maqan tahay wax ay carrabka aad u gu adkeeyeen in galaangal badan oo ay gudaha Shabaab ku lee yihiin ku xaqiijiyeen in warka NISA been yahay oo aan kooxdaasi maqnaanta Ikraan shaqo ku lahayn.

Dhanka kale argagixisada Shabaab oo la hubo in ay afduub noocaas ah guul weyn ka dhigan lahayd si adag bay u beenisay in ay falkaa geysatay. Haddaba Ikraan raadkeedu dhanna u ga ma bixin NISA.

Iyaga ayaana la gu ogaa, iyaga keligood baana afkooda la ga maqlay labada eray ee “afduub” iyo “dil”. Sidaa darteed ilaa war kale la helo, ama maydkii gabadha la arko, Ikraan waa ay nooshahay, wax ayna ku afduuban tahay meel saraakiisha NISA og tahay.

Haddii ay dhimatayna iyaga ayaa maydkeeda meel ku og oo qarinaya. 48 saacadood ee Raysalwasaaruhu NISA u qabtay waa in ay kashiftaa wax aad u weyn oo laba bilood iyo dheeraad qarsoonaa.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media