Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray jadwal cusub oo loogu tala galay doorashada Baarlamanka (Madaxwaynaha?)

0

(Muqdisho) 04 Sebt 2021 – Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal ayaa soo saaray jadwal doorasho oo cusub.

Jadwalkan ayaa ku dhigan in 5-18 bishan Sebtembar lagu soo dhamaystiri doono doorashada Aqalka Sare ee Baarlamanka.

Deeto waxaa bilaabanaysa diyaarinta doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamanka DF Somalia, iyadoo dhacaysa 1da Oktoobar ilaa 20ka Nofeembar.

Waxaa yaab leh inaan jadwalka lagu xusin xilliga ay dhacayso doorashada Madaxwaynaha oo awal loo muddeeyey 10ka Oktoobar oo ah bisha soo aaddan.

Hadalsame Media

Facebook Comments