Goorta ay dhacayso ciyaarta ay dhexdhexaadinayaan garsoorayaasha Somalia & halka laga daawan karo?

0

(Lomé) 05 Sebt 2021 – Garsoorayaal Soomaaliyeed ayaa dhexdhexaadin doona kulan ka tirsan isreereebka Koobka Adduunka 2022 lagu qabanayo Qadar, kaasoo u dhexeeya xulalka Togo iyo Namibia.

Ciyaartan oo ka dhici doonta gegada Stade de Kégué ee caasimadda Togo ee Lomé, ayaa waxaa qabanaya garsoore Cabdulqaadir Cartan, halka ay calamada u kala sidaan Xamsa Cabdi oo ah calanhayaha 1-aad iyo Nuur Cabdi oo ah midka 2-aad.

Waxaa xeer ilaaliye ciyaarta ka noqonaya garsoore Xasan Maxamed, iyadoo ay afarta garsooreba u dhasheen dalka Somalia, iyagoo uu fadhigoodu yahay Muqdisho, Somalia.

Waxaad ciyaartan oo soo geleysa 18:00 aminta Yurubta dhexe aad ka daawan kartaa Super Sport iyo hilinno kale.

Hadalsame Media