DEG DEG: RW Rooble oo markii ugu horreeysey kulan la qaatay qoyska Ikraan Tahliil + Sawirro

0

(Muqdisho) 05 Sebt 2021 – Waxaa markii ugu horreeysey qolalka shirarka ee Madaxtooyada Somalia lagu qaabiley qoyska dhibbane Ikraan Tahliil oo aan weli raq iyo ruuxba meel lagu sheegin.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa lagu sheegay in uu la kulmay qoyska gabadha iyo ugaas Cabdiraxmaan oo uu u muujiyey moowqifka uu ka taagan yahay dhacdada dhiillada leh ee aadka u ceebaysan.

”Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan isagoo la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda,” ayuu u dhignaa qoraalka Xafiiska RW.

”Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afduubtay.” ayaa la raaciyey.

Kulankan ayaa imanaya kaddib markii uu RW Rooble uu 48 saacadood u qabtay Agaasinka NISA inuu warbixin kasoo saaro wacaalka gabadhan oo aad loogu badinayo inay ku jirto gacanta isla NISA.

Hadalsame Media