“Xabado culus ayaa ka dhacaya Madaxtooyada!” – Shaqaaqo siyaasadeed oo ka taagan dal xiriir la lahaa Somaliland

0

(Conakry) 05 Sebt 2021 – Rasaas culus ayaa laga soo sheegayaa agagaarka Madaxtooyada caasimadda Guinea ee Conakry.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada halkaa weeraray oo ah kuwa gaarka ah uu hoggaaminayey nin ay Faransiiska isku dhow yihiin oo la yiraahdo, Mamady Doumbouya.

Sarkaal sare oo dowladda ka tirsan ayaa sheegay in aanay waxba gaarin odayga 83-jirka ah ee dalkaa xukuma, MW Alpha Conde.

Yeelkeede, wararka qaar ayaa tibaaxaya in la afgembiyey, halka ay Reuters faafinayso sawirro muujinaya millateri jidadka roondaynaya.

Guinea Conakry ayay hadda kahor xiriirka u jartay DF Somalia kaddib markii ay casuumeen MW Maamulka Somaliland.

Hadalsame Media