”Dhiig ma qarsoomo!” – War uu horay u sheegay ku xigeenkii hore ee NISA oo qayb ahaan rumoobey!

0

(Muqdisho) 03 Sebt 2021 – Waxaa rumoobey war uu 13-kii Luulyo sheegay Jen. Cabdalla Cabdalla oo horay uga tirsanaa hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa sheegay in la khaarajiyey gabar la yiraahdo Ikraan Tahliil Faarax, saacado yar uun kaddib markii gurigeeda laga soo waday, waloow haatan cidda khaarajisey laga dhigay Al Shabaab.

Cabdalla ayaa sida muuqata sheekada xilligaa siiyey weji cusub isagoo tilmaamay in la diley Ikraan oo 24-jir ahayd kana tirsanayd isla NISA isla markii laga soo kexeeyey gurigeeda oo ku yaalla meel amaankeeda aad loo ilaaliyo 26-kii Juun.

Jeneraalka oo Agaasime Xigeen kasoo noqday NISA ayaa intaa raaciyey in gabadha si qarsoodi ah loogu aasay qabri ku yaalla afaafka hore magaalada Muqdisho, waloow uusan keenin caddaymo loo qaateen ah.

Wuxuu soo gudbiyey muuqaal CCTV ah oo uu sheegay inuu muujinayo gabadha oo ku takhasustay dembiyada internet-ka (Cybercrime) oo laga kexeeynayo gurigeeda oo u dhow Xarunta NISA ee Godka Jilacow oo argagixisada lagu hayo.

Waxaa loo jeedi karaa gaari Xaajiyad ah (Yoyota Hilux) oo guriga bannaankiisa istaagaysa muddo 5 daqiiqadood ah, balse dadkii saarnaa si fiican looguma jeedi karo muuqaalka oo liita dartii. Saacaddu waxay tilmaamaysey 20:01.

Gabadha oo la sheegay inay aad ugu dhowayd Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, ayaa koorsooyin kusoo qaadatay dalka UK.

Qoyska gabadha sida hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa dalbanaya cadaalad, iyadoo shalay markale ku celisey in gabadheeda ay wadeen howlwadeenno NISA ka tirsan oo ay saan tirasho tahay in la yiraahdo ”waxaa diley Al Shabaab.”.

Nabad Sugidda NISA ayaa tan iyo intii uu xilka la wareegey Fahad Yaasiin oo olog dhow la ah MW Farmaajo lagu eedeeynayaa ku takrifal awoodeed, jebin dastuur iyo cabsi gelin aan sharci ahayn, iyadoo ay sidoo kale jiraan dad kale oo la la’yahay ama loo diley siyaabo shaki keeni kara. Arrintan ayaa taabanaysa madaxda sare ee dalka sida MW Farmaajo iyo RW Rooble.

Hadalsame Media