Turkiga oo kaddib gabdhihii Komaandooska ahaa ballan qaad kale u sameeyey dalka Somalia

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2021 – Dayuurad ay leeyihiin Ciidamada Cirka Turkiga ayaa Muqdisho ka dejisey qaybtii 1-aad ee ah komaandoos gabdho ah oo lagu soo tababaray dalkaasi.

Gabdhahan ayaa ku biiraya Ciidamada Haramcad ee Booliiska gaarka ah, balse waxaa sidoo kale wehlinayey ilaa 100 askari oo ah kuwa gaarka ee Gorgor oo iyaguna tababar kusoo qaatay Turkiga.

Saraakiisha Turkiga ayaa markale ku celiyey inay sii wadayaan taageerada kala duwan ee ay siiyaan DF Somalia iyo shacabka Somalia, waloow weli la la’yahay hoggaan sameeya ciidamo xirfadleey ah oo kaliya qabta wixii dalka dan u ah oo qura.

Hadalsame Media