ILO: Dayuurad aan la garanayn oo wax ay dadaaminayso ku dejinaysa degaan ay Shabaabku ka taliyaan + Sawirro

0

(Muqdisho) 03 Sebt 2021 – Waxaa soo baxaya sawirro aan la xaqiijin karin weli oo ay heshay Halgan Media ayaa muujinaya dayuurad kuwa qumaatiga u kaca ah oo aan wax sumaddeeda loo jeedin oo walax cad oo ay dadaaminayso dhigaysa meel ay Shabaabku ka taliyaan.

Meesha ay dayuuraddan oo ah kuwa cad cad ee QM ayaa lagu sheegay degaanka Misire oo ka tirsan Gobolka Bay oo dhaca Koonfur Galbeed Somalia, sida ay wararku sheegayaan.

Dadkii khabarkan ka fal-celiyey ayaa shaki ka keenay arrintan, iyagoo sheegay in ay adag tahay in dayuurad qumaati u duushaa ay soo gaarto 402 km iyadoo aan shidaal qaadanin.

Waxaase jira saldhig ay AMISOM leedahay oo ku yaalla Diinsoor oo 30 KM ka fog Misire iyo mid kale oo dhaca Buur Hakaba oo qiyaastii 150 KM u jira bartan.

Warkan iyo sawirradan weli lama xaqiijin karo, balse waxaa marar badan dhacda in la qabto gacmo wax ka samaynaya daahyada gadaashooda oo fulinaya wax ka duwan sheekada taalla masraxa ay dadwaynuhu isha ku hayaan ee caadiga ah.

Hadalsame Media