DHEGEYSO: Xisbi soo jeediyey inaan xukumadda jago looga dhiibin xisbiga soo galooti diidka ah ee SD

0

(Stockholm) 03 Sebt 2021 – Xisbiga Liberalerna ayaa dalbaday in xisbiga SD aan jago looga dhiibin xafiisyada dowladda Sweden haddii ay guulaystaan xisbiyada borgerliga.

Yoav Bartal oo warfaafinta ugu qaybsan xisbiga ayaa tilmaamay in mooshinnada xisbiga hor yaalla oo dhan lagu falanqayn doono kalfadhiga xisbiga ee dayrta.

”Waxay ka dhigan tahay awood iyo saamayn aanan doonayn inay yeeshaan xisbiga SD.” ayay tiri, Cecilia Elving, waa guddoonka Ururka Haweenka ee Xisbiga L.

Hadalsame Media