WAR CUSUB: Al Shabaab oo si rasmi ah u beeniyey inay khaarajiyeen Ikraan Tahliil

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2021 – Kooxda Al Shabaab ayaa gebi ahaanba beenisey warkii ay NISA ku sheegtay inay khaarajiyeen Ikraan Tahliil.

“Kama dambeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay’adda NISA, la-yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowladda nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay,” sidaas waxaa yiri mas’uul u hadlay Al-Shabaab oo warkiisa ay baahisay warbaahinta kooxda.

“Anagu waan beegsanaa madaxda iyo saraakiisha hay’adda sirdoonka oo bartilmaameed ayey inoo yihiin waana sheegannaa dilkooda oo cid aan uga heebeysano ma jirto laakiin gabadhaas afduubkeeda iyo dilkeeda wax shaqo ah oo aan ku leenahay ma jirto,” ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa intaa raacisay in xaaladda NISA ay gaartey heer ay iyagii dhexdoodu is-dilaan, sida ay qoraal jees jees ah ku sheegeen.

“Haddii shaley dadka muslimiinta ay raafayeen oo xabsiyada ka buuxinayeen, qaarna si bareera u dilayeen, maantana waxaad aragtaan in xitaa kuwii iyaga dad ugu dhawaa ee u shaqeynayey ay kusoo jeesteen oo inta afduubtaan dilaan hadana ehelladii dadkaas ku jeesjeesaan. Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay ubadkiina ka ilaaliya inay u shaqeeyaan maamulada noocaas ah,” ayuu yiri.

“Wax ka jira ma lahan, waa been aan sal iyo raad toona laheyn. Gabadhii laga qaaday guri ku ag yaalla xarunta NISA, ayagaiina bad-qabaan, ayadiina waa la qaaday la leeyahay, wax ka jira ma lahan. Shabaab beri ayuu ka yahay arrintaas,” ayey tiri hooyo Qaali.

“Shabaab waa ay ka hadli doonaan wayna beenin doonnaa, horeyna way uga hadleen. Wax ka jira ma lahan, hadda ay rabaan inay gabadheeda dilaan ama horey ayey u dileen. Bidix iyo midig meel uma dhaafto Fahad Yaasiin.”

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa horey u sheegtay in Al-Shabaab aysan dilin gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax, oo la waysnaa tan iyo 26-kii Juun.

Hadalsame Media