RW Rooble oo 3 farood loo taagey & qool bira oo qoorta u suran

0

(Muqdisho) 03 Sebt 2021 – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa markii ugu horreeysey war kasoo saaray kiiska fongoran ee Ikraan Tahliil oo ay NISA shalay faafisay inay Shabaabku dileen, taasoo ay maanta beeniyeen.

Musharrixiinta ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble inuu qaado saddex tallaab oo ku saabsan kiiska dilkii Ikraan Tahliil.

1 – in isbeddel degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka sare ee hey’adda Nabadsugida, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

2 – in loo saaro guddi caalami ah oo madax bannaan si looga gungaaro xaqiiqda kiiskan

3 – in hay’adda loo magacaabo hoggaan kalsoonida shacabka hanan kara.

Hadalsame Media