”Waxaannu isla samaynay wax qurux badan!” – Heshiis qarsoodi ah oo ay galeen Maraykanka & Daalibaan oo hadda la kashafay!

0

(Kabul) 02 Sebt 2021 – Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegayaa inay si qarsoodi ah Daalibaanka heshiis ugula galeen inay soo galbiyaan dad badan oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalkaasi si looga duuliyo Garoonka Caalamiga ah ee Kabul Airport, sida ay 2 sarkaal oo Gaashaandhigga ka tirsani CNN u sheegeen.

Mid ka mid ah ayaa kashifay in Ciidamada Howlgallada Gaarka ah ee Maraykanku ay xitaa sameeyeen ”irid amaan ah” iyo ”meel la waco”, si dadka Maraykanka ah loo keeno garoonka.

Midka kale ayaa sheegay in ”agaasinka lala sameeyey Daalibaanku uu u shaqeeyey si qurux badan”, iyadoo ay Daalibaanka oo markii hore diiddanaa ay markii dambe soo gudbiyeen dad Maraykan ah iyo qaar ku nool Maraykanka.

Maraykanka ayaa Daalibaanka u sheegay inay hubiyaan warqadaha dadka ay soo gudbinayaan kahor inta aysan soo fasixin oo aysan keenin meel ay ka arki karaan Ciidanka Maraykanka oo deeto la wareegayey dadkan oo ay sidoo kale ku jireen kuwo Afghani ah.

Saraakiishan oo aan magacooda sheegin marka la eego xasaasiyadda arrintan ayaa tilmaamay in ujeedada heshiiskan qarsoodiga ihi uu ahaa Daalibaan iyo Maraykanka oo ka walaacsanaa in haddii arrintan gelbinta Maraykanka la shaaciyo ay kooxda ISIS-K weerari karto, iyadoo weerarkii dhowaa ku dishey 13 askari oo Maraykan ah iyo 170 rayid ah oo Afghani u badan.

Hadalsame Media