DHEGEYSO: Dowladda Sweden oo kordhinaysa lacag lagu kabo dadka howlgabka ah mid cusub oo kalena bilaabaysa

0

(Stockholm) 02 Agoosto 2021 – Dowladda Sweden ayaa doonaysa inay beeshin gaar ah siiso dadka ka shaqeeya howlaha adag ee xamaaliga ah ee awood ahaan howlgabka noqday kahor xilligii loo madlay howlgabka, waxaa sidoo kale la kordhinayaaa lacagaha kabka ah ee ijaarka loogu daro dadka howlgabka ah.

Waxaa lacagahan lagu soo dari doonaa miisaaniyadda cusub ee dayrtan soo baxaysa, iyadoo uu hinsidahani ka dhigan yahay inuu qofku xaq u yeelan doono lacag beenshin ah oo gaar ah, halkii uu si hordhac ah usii qaadan lahaa lacagta loogu tala galay dadka gaarey da’da howlgabka oo ah 65 sanadood.

Xeerkani wuxuu qabanayaa qofkii 60 jir ah iyo wixii ka wayn, sida uu sheegayo Ardalan Shekarabi (S) Wasiirka Caymiska Bulshada.

Hadalsame Media