DAAWO: Gabar shisheeye ah oo Somalia ka shaqaysa oo sheegtay arrin ay ku jeclaatay ragga Soomaaliyeed

0

(Muqdisho) 02 Sebt 2021 – Gabar Youtuber ah oo lagu magacaabo Brownie Crole oo ah gabar Kenyan ah oo ka howlgasha gudaha Somalia, gaar ahaan Muqdisho, ayaa ka hadashay waxyaabo badan oo ay ku jeclaatay Soomaalida guud ahaan gaar ahaan ragga Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay in waxa ugu wayn ee ay Soomaalida ku jeceshahay ay tahay sida ay isu kaashadaan isuna caawiyaan dhanka nolosha iyo dhanka ganacsiga, iyadoo ka jawaabaysey su’aalo la waydiinayey.

Mar la waydiiyey inay jiraan wax ay si gaar ah ugu jeceshahay ragga Soomaalida waxay soo dhufatay inay yihiin ”dad aad u nadiif ah” oo ku dadaala nadaafadda, iyo in maadaama iyada la qabo ay raggu marka ay usoo dhowaadaan si ay xiriir ula yeeshaan ee ay u sheegto in la qabo aysan mar dambe wax kale waydiinin, taasoo ay sheegtay inay uga duwan yihiin ragga Kenya, sida ay tiri.

”Marka aan ku iri waa lay qaatay, halkaa ayay ku joogsadaan, wax dambe ima waydiiyaan.” ayay tiri.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media