War kasoo kordhay Ikraan Tahliil & xog cabsi leh oo suuqa soo gashay (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2021 – Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd qaybta dembiyada lagu gaysto internet-ka ayaa war cusubi kasoo baxay.

NISA ayaa si dadban hawada soo gelisey ku tiri kuteen ku saabsan in gabadha ay qafaasheen kooxda Shabaabka oo ay weliba u badan tahay inay dileen.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ay ehelka iyo dadwaynaha la wadaagi doonaan sida ay wax u dheceen oo faahfaahsan, waloow ay Qaali Maxamuud oo ah hooyada gabadha dhashay ay sheegtay inaan cidina lasoo xiriirin.

Madax horay uga howlgeli jirtey hay’aadka Nabad-Sugidda Somalia ayaa sidoo kale aad u saluugey qaabka ay arrintan u wajahayso maqnaanshiyaha gabadha oo ah arrin ay ahayd in ay dadka la xaalaan oo arrintan sida si dhaanta u maareeyaan.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media