DHEGEYSO: Gobol ka tirsan Sweden oo aadan shaqo ka heli doonin haddii aadan iska tallaalin Covid-19

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2021 – Gobolka Dalarna ayaa ka baaraandegaya hindise ku saabsan in la sahmiyo suurtagalnimada in shaqooyinka gobolka gudihiisa ah loo diido dadka aan weli iska tallaalin Covid-19 ee aan misna diyaarka u ahayn inay is tallaalaan, tiiyoo uu tallaalku yahay mid aan qofku ku khasbanayn.

Ulf Berg (M), waa Guddoonka Maamulka Gobolka Dalarna oo maanta go’aankan soo saaray.

“Daryeelka caafimaad waa mid lagu sameeyey si ku dhisan cilmi iyo khibrad, marka qofku waa inuu is tallaalaa.” ayuu yiri.

Hadalsame Media