Musuq cusub oo dhacay & qayb ka tirsan Tiyaatarka oo laga gatay ganacsato gaar ah (Arag fashilkaan)

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2021 – Wasaaradda Warfaafinta DF Somalia, ayaa dhul dadwayne oo uu Tiyaatarku leeyahay ku wareejiyey ganacsato gaar ah oo lacag laga qaatay.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda oo uu ku saxiixan yahay Wasiir Dubbe ayaa shirkad lagu sheegay ”Xaawo Taako” lagu siinayaa hantidan qaran oo markii horena dhulka uu ku fadhiyo laga qaaday dad Soomaaliyeed, markii dambena ay xooggooda ay xoolohooda ku dhiseen isla dad Soomaaliyeed.

Waxaa yaab leh in warqaddan ogolaanshaha ihi soo baxday iyadoo sheegaysa in hadda kaddib la shaacin doono tibxaha heshiiska, taasoo keenaysa su’aal ah sidee warqad ogolaansho ah looga soo saarayaa wax aanba heshiis rasmi ah laga gaarin?

Dhaqankan ah in hantida umadda inta lacago badan laga qaato loo saxiixo shirkado gaar ah ayaa soo socdey tan iyo 2012-kii, iyadoo sidaa lagu hantiyey dhul dadwayne oo ay ugu caansan yihiin Barxaddii Yoobsan oo haatan laga sameeyey Jardiino nasiino oo gaar ah, Hotel SYL, dhulal kale, iwm.

Waxaa ugu daran in aanu jirin heshiis bulsho oo dadwaynuhu ogyihiin sida ay dadkani dhulkan ku haystaan, lacagta ay bixiyaan iyo muddada ay ijaarteen. Sabata aan heshiiska loo shaacinaynin waa inaysan jirin wax daah furan, ganacsatadana lacago badan laga qaato.

Arrinta haatan lagu wareejiyey dhulkan Tiyaatarka ayaa waxaa ka maqan laba arrimood:

1 – Ma jiro tartan furan oo loogu soo bandhigay dadwaynaha si loogu tartamo, iyadoo aan sidoo kale la fahmi karin baahida keenaysa in hantidii umadda loo wareejiyo lacag yar oo la sheegay in lagu dayactirayo Tiyaatarka oo ay dadku hantidooda ku dayactireen, canshuurna bixiyaan.

2 – Waa arrin foowdo ah oo Wasaarad kasta wasiirkeedu xaq uma laha inuu iska wareejiyo wixii dhul ah oo ay Wasaaraddiisu deggan tahay, waayo taasi kama mid aha awooddiisa oo wixii dhul ah waxaa jira Wasaarado kale oo ku shaqo leh. Sidoo kale waa inuu jira xeer adag oo la raacayo si aanay meesha u imanin dano is diiddan iyo wax fushi gaar ah.

Dhanka kale, RW Rooble oo ay dadku soo jeediyeen inuu arrintan soo farageliyo, ayaa laftiisa la sheegay in dhul ku yaalley agagaarka Taleex uu ku wareejiyey ganacsato gaar ah.

MW Farmaajo ayaa markii uu imanayey sheegi jirey inuu musuqa la dagaallami doono, balse waxaa soo baxday in marka laga soo tago ku takri falka hantida umadda, qandaraasyo la siiyey dad isaga u daacad ah sida Qaadka Kenya, in qarash loo diray dalal dibedda ah sida middii ay qabatay Australia.

Hadalsame Media

Hadalsame Media