XOG: Dekedda Berbera oo marka wejiga 2-aad la dhamaystiro ka waynaanaysa Dekedda Mombasa

0

(Hadalsame) 29 Agoosto Dekedda Berbera ee Maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa inay ka ballaarato midda haatan ugu wayn Kenya ee magaalada Mombasa.

Dekedda Berbera oo ay ballaarinayso isla markaana ay casriyaynayso DP World ayaa haatan lagu xirey wiishash casri ah.

Waxaa sidoo kale la ballaariyey khoorka dekedda iyadoo la wado wejiga 2-aad ee ballaarinta dekedda.

Waxaa warkan Twitter-ka ku faafiyey weriye Umut Cagri Sari oo aalaaba wax ka qora gobolka Geeska Afrika.

Hadalsame Media