”Ma wuxuu Ruushka ka iibin jirey Uranium-ta Somalia” – Guri uu dhistay Jeneraal Somalia ka howlgeli jirey oo dalkiisa dood ka dhaliyey

0

(Kampala) 29 Agoosto 2021 – Gayfanayaal reer Uganda ah ayaa bilaabay dood ku saabsan guri qaali ah oo ay ku baxday balaayiin shilin oo uu dhistay iyo halka uu ka keenay qarashka intaa la eg, Jeneraalkii geeriyoodey ee Paul Lokech oo mar taliye u ahaa Ciidamada Uganda ee Somalia jooga.

Jeneraalkan oo qaatay naanaysta ”Libaaxii Muqdisho” ayaa 21-kii bishan Agoosto ku geeriyoodey dalkiisa, balse gayfanayaal wata bog la yiraahdo Free Bobi Wine oo ah fannaan mucaarad ah ayaa su’aalo ka taagey gurigii uu dhisay.

”Jeneraalku ma Uranium-ta Somalia ayuu ka iibinayey Iran/Russia/China si uu gurigan u dhisto?” ayay is waydiiyeen.

Waxay intaa raaciyeen in dhamaan saraakiisha sare ee hoggaaminayey ciidamada Xoogga Uganda ee UPDF ee la geeyey D.R. Congo iyo Somalia ay haatan taajiriin lacag ka hodmay yihiin halka la ogyahay inaysan dowladdu lacag fiican siinin.

”Marka sidee hantidan ku tabceen?” ayay is waydiiyeen markale.

Colaadda Somalia ayaa waxaa ka faa’iidaysta canaasiir kala duwan (War profeteering), kuwaas oo ay xitaa kuwo Soomaali ihi ku jiraan, iyadoo hay’aad shisheeye oo badan oo ay AMISOM ku jirto lagu ogyahay ganacsiyo sharci darro ah iyo koontrobaan.

Beri dhexe waxaa Muqdisho lagu qabtay hub, rasaas iyo shidaal ay saraakiil AMISOM ihi suuq madow ku iibinayeen. Ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga ayaa iyagana lagu eedeeyaa inay iibiyaan dhuxusha, kalluun iyo bagaashka kale.

Hadalsame Media