Maraykanka & Daalibaan oo si caajiib ah u wada shaqaynaya + Weerar hor leh oo laga digey

0

(Kabul) 29 Agoosto 2021 – Wasaarad Dibadeedka Mareykanka ayaa u digtay muwaadiniinteeda haatan weli jooga Afgaanistaan oo ay ugu baaqday inay ka fogaadaan agagaarka Garoonka Kabul oo ay ka jirto “halis qeexan oo ay ka war hayaan”.

Halistaa ayay ku qeexeen weerar ku soo fooggan halkaasi.

Dagaalyahannada Daalibaan ayaa iyaguna woxoogaa nidaam ah soo rogey iyagoo xirey jidadka soo gala Garoonka Kabul, balse gudaha u soo fasaxaya dadka haysta rukhsado lagu daadgurayn karo.

Mareykanka ayaa haysta ilaa 31-ka bishan inuu halkaa iskaga boxo, balse waxaa halkaa ka dhamaaday dalalkii kale sida UK oo dad Afghani u badan, diblomaasiyiin iyo eeyo shalay halkaa kasoo duulisay.

Warkan ayaa imanaya xilli uu horay u dhacay qarax ay dad rayid ah iyo askari Maraykan ihi ku dhinteen kuwaasoo gaarayey 170 qofood, waxaana sheegatay kooxda Daacisha Khorasaan (IK-K).

Maraykanka ayaa shalay sheegay inuu weerar aargudasho ah ku diley weerar daroon oo uu qaaday.

Hadalsame Media