SAWIRRO: ”Beeraha Cagaaran” ee Muqdisho oo lagu beeray khudrad aan dalka ka bixi jirin & arrin lama filaan ah (Daawo)

0

(Muqdisho) 26 Agoosto 2021 – Waxaa beer ka mid ah kuwa loo yaqaan ”Guryaha Cagaaran” ee haatan ku cusub dalka Somalia, gaar ahaanna ku taalla Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir lagu guulaystey in lagu beero 3 khudradood oo awal dibedda uun laga keeni jirey.

Waxay kala yihiin Kabajka, Barbarooniga midabbada kala duwan leh iyo Procolli-ga, kuwaasoo ka siman inaanay horay dalka uga bixi jirin.

Cabdiraxmaan X. Sabriye oo ka mid ah howlwadeennada beertan sidoo kale aqoontan dalka oo idil gaarsiiya, ayaa Hadalsame Media u sheegay in mirahan oo lagu beero qaabka laba-baraxa ah ee GMC iyo qaabka caadiga ah ee soo jireenka ihi ay kusoo go’aan muddo 70 cisho ah.

”Midda ugu yaabka badani waa in miraha qaarkood ayba ka macaanaadeen dhadhan ahaan kuwii dibedda laga soo waaridi jirey, sida tusaale ahaan Barbarooniga midabbada kala duwan leh.” ayuu Hadalsame ku yiri Cabdiraxmaan.

Wuxuu sababta ku sheegay in Somalia oo ah dal kulaalaha dhaca uu khudaar badan uga fiican yahay dalalka ay cimiladoodu dhexdhexaadka tahay (temperate), maadaama uu dalaggu isku helayo qorrax wanaagsan, biyo iyo kaarboon 2 ogsaydh si uu u dhaco geeddi socodka muhimka ah ee Photosynthesis-ka loo yaqaan.

Waana sababta ay Somalia u leedahay khudaar macaan badan sida Qaraha, Cambaha, Muuska iwm.

Hadalsame Media