Taliyaha Xoogga oo la kulmay hoggaanka Ciidamada 2 dal oo gacan ku leh amaanka Somalia (Arrin la inkiray in laga hadlay)

0

(Addis Ababa) 26 Agoosto 2021 – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somalia, Jen. Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa Itoobiya, Jen. Berhanu Jula, kaasoo ay ka wada arrinsadeen iskaashiga amaan ee labada dal, sida ay faafiyeen warbaahintu.

Sarkaal Soomaali ah oo shirka ku dhowaa ayaa wakaaladda Anadolu telefoonka ugu sheegay in “Ethiopia ay tahay dal deris ah oo haatan Somalia ka caawinaya la dagaallanka kooxda al-Shabaab iyagoo ka mid ah AMISOM.”

Waxaa lasoo hadal qaaday in kulankaas sidoo kale lagu soo hadal qaaday dagaalka sokeeye ee Itoobiya iyo ciidamo Somalia laga soo diray oo Eritrea lagu ogaa oo la sheegay inay ka qayb galeen, balse sarkaalkanu wuu inkiray jiritaanka warkaasi oo ay QM soo bandhigtay horraantii sanadkan.

Taliyaha Xoogga Somalia ayaa Jimcihii tegey wuxuu tegey Turkiga isagoo ka qayb galay carwo ciidan oo halkaa lagu qabtay isla markaana la kulmay dhiggiisa Turkiga, Jen. Yasar Guler.

Waxayna labada dhinac ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Turkigu uu la garab taagan yahay Ciidanka Somalia ee kala duwan, sida ay sheegeen ilo ciidan.

Hadalsame Media