Sweden oo dadka qaar siinaysa kuuro 3-aad oo ah tallaalka Covid-19 (Yaa ka mid ah?)

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2021 – Dadka uusan xoogganayn daafaca jirkoodu ayaa lagu taliyey in la siiyo kuuro 3-aad oo ah tallaalka Covid-19 wixii loo gaaro 1-da bisha soo aaddan ee Sebtembar.

Ujeedka laga leeyahay kuuradan 3-aad waa in ay qofka ka caawinayso inuu soo saaro lid-jireedyada loo baahan yahay si uu iskaga difaaco fayruska karoonaha sida uu qabo Anders Tegnell, oo ah caalim yaqaanna cudurrada faafa iyo madaxa hay’adda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha FHM.

Waxaa dadka iyo bukaannada kuuradan 3-aad loo darbayo ka mid ah dadka xubnaha cusub lagu tallaalay, kuwa qaba bugtooyinka uusan qofku lahayn daafac jireed oo saaxi u shaqaynaya, kuwa qaata dawooyinka saameeya daafaca jirka ama dadka kelyaha laga dhaqo ee u baahan dialysis-ka, kuwaasoo ay guud ahaan tiradoodu gaarayso 40 kun oo qofood gudaha Sweden.

Hadalsame Media