”3-dii diblomaasiba mid baa basaas ah!” – Sweden oo qabatay basaas gacanta kula jirey xogo xasaasi ah (Ma malayn kartid dalka soo dirsaday)

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2021 – Markii ugu horreeysey muddo 18 sanadood ah ayaa Sweden lagu maxkamadaynayaa qof ku eedaysan basaasnimo, kaasoo u shaqaynayey shirkadaha gawaarida sameeya ee Swedish-ka ah ee Scania iyo Volvo.

Ninkan ayaa wax u basaasayey dalka Ruushka iyadoo sida ay sheegeen Hay’adda Nabad Sugidda Sweden ee Säpo ay soo kordhayaan basaasiinta noocan ah ee ka socda cududaha waawayn ee caalamka oo xogo ka raadinaya shirkadaha gaarka ah iyo hay’aadka dowladda intaba, iyadoo berry maxkamad lagu soo taagayo Göteborg.

Daniel Stenling, waa madaxa SÄPO ugu qaybsan kahortagga basaasiinta wuxuuna arrintan uga warbixiyey barnaamijka Gräns ee ka bixiya Radio Sweden.

“Waxaan ognahay in 3dii diblomaasi oo Ruush ahba midkood uu basaasnimo ku shaqeeyo. Waxay xiisaynayaan inay eegaan Sweden, gaar ahaan dhinacyada wax dhoofinteenna, dhinacyada cilmi baaristeenna iyo hal-abuurkeenna..’’

Hadalsame Media