Musharrax lagu xifaaleeyey inuu ”siyaasad DHURWAA” ku wajahayo arrimaha doorashada ee cakiran!!

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2021 – Dhurwaa baa lagu yiri: hooyadaa baa sakaraad ah oo dhiman rabta. Dhurwaagi baa ku jawaabay ”WAA KHAYR”. Waxaa la gu yiri maxaad ka waddaa?

Dhurwaagi wuxuu ku jawaabay: ”Haddii ay dhimato, waa ii dhacatay, waayo hilibkeeda baan cunayaa!”

Muddo yar kaddib baa haddana loo sheegay iney ilaahey amarkiis bogsootay hooyadiis. Haddana wuxuu iska soo jaray ”WAA KHAYR”. Iyadoo la wada yaaban yahay ayaa mar kale lagu yiri: War bal maxaad ka waddaa haddana? Wuxuu ku jawaabay Dhurwaagi: Haddey bogsootayna waa ii dhacatay oo waan jaqayaa (caanaheeda ayaan nuugayaa)!

Hadda waxaa isoo xusuusiyay habdhaqanka iyo dabeecadda Dhurwaagaas musharax Cabdikariin Xusseen Guuleed (Hambalyo-weyne) oo markii la yir; Doorashadi Dowalad Goboleedyadi baa afduubay lasoo booday: HAMBALYO, markii la yiri “waa laga soo dhigayna” misna yiri HAMBALYO!

Indhaha Maroodiga!

Waxaa Qoray: Cismaan Qanyare

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media