Turkiga oo Carwo Caalami ah kusoo bandhigay hub ay dunidu la yaabtay + Sawirro

0

(Ankara) 24 Agoosto 2021 – Turkiga ayaa Carwada 15-aad ee Caalamiga ah ee Difaaca (IDEF 2021) kusoo bandhigay agabkii ciidan ee ugu dambeeyey ee uu isagu sameeyey kuwasoo iskugu jira min gawaarida gaashaaman, gantaalaha la hago, dayuuradaha guuxooda ka dheereeya jiilka ugu dambeeya ilaa qalab iyagu is wada.

from special-purpose armored vehicles to guided missiles and unmanned platforms.

Carwada oo ay iska kaashadeen Madaxtooyada Turkiga, Iskaashatada Agabka Ciidanka (SSB) iyo Sanduuqa Ciidamada Xoogga Turkiga (TSKGV), ayaa waxaa kasoo qayb galay 1,283 sharikadood oo ka kala socda 53 dal iyo 169 wefdi oo metelaya 83 dal iyo 76,010 oo booqde iyo 394 weriye.

Turkiga ayaa soo bandhigay gantaalaha la hago ee Kuzgun-SS oo ay dhitay Tubitak SAGE, Havelsan oo soo bandhigtay agab dhijitaal oo dhowr jaad ah, TAI oo soo bandhigtay Miigga MMU oo diyaar noqonaya 2023-ka oo ku beegan Maalinta Jamhuuriyadda Casriga ah ee Turkiga iyo sidoo kale dhamaadka heshiis cadaalad darro iyo xaniinyo qabad ku ah Turkiga oo 100 sanadood ah.

FNSS ayaa sidoo kale soo bandhigtay gawaarida gaashaaman oo casri ah, Bayraktar ayaa iyaduna keentay dhowr nooc oo daroonno ah oo yar yar iyo waawaynba ka kooban.

Turkiga oo mudaba ku jirey qorshe isku tashi ah, haatanna ugu yaraan 70% hubka uu adeegsado isagu soo saari kara, ayaa tan iyo markii laga saaray Barnaamijka F-35 wuxuu sheegay inuu isku tashanayo, iyadoo ay isha ku hayaan dalal badan oo Galbeed ihi.

Hadalsame Media