Itoobiya oo ku faantey inay lacag badan oo adag ka hesho Somalia (Halka uu ka yimaado dakhliga ugu badan?)

0

(Addis Ababa) 24 Agoosto 2021 – Ethiopia ayaa sheegtay in guud ahaan ay dunida u dhoofisey badeeco ay ka heshay 3.62 bilyan oo Doollarka Maraykanka ah, kuwaasoo iskugu jira wax beeraha kasoo go’ay, macdanta la qodo iyo walxo lagu wershadeeyey dalkaasi.

Tirakoobkan oo kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha DF Itoobiya oo tixraacaysa miisaaniyad sanadeedka Itoobiya oo haatan maraya 2013-ka.

Waxaa markii la qiimeeyey 136 dal oo ay Itoobiya wax u dhoofisey dalalka ugu sarreeya ka mid noqday dalkeenna Somalia oo iibsadey badeeco ay Itoobiya ka heshay lacag adag oo gaaraysa 347.83 milyan oo doollar.

Sare kaca waxyaabaha ay Itoobiya u dhoofiso Somalia ayaa waxaa gacan wayn ku leh Jaadka Itoobiya oo haatan la geeyo magaalooyin aan horay looga aqoonin sida Muqdisho, oo ah magaalo kaligeed iibsan karta xaddi aad u fara badan.

Lama sheegin wax micne leh oo ay Somalia kusoo bedelato lacagtaa adag ee ay wax uga soo gadatay Itoobiya, iyadoo aanay jirin siyaasad isu miisaamaysa arrimahaas oo Somalia u degsan.

Waxaa intaa dheer, in si Qaadka Itoobiya suuqa, oo ay haystaan rag ku dhow dhow MW Somalia, loogu xiro la joojiyey midkii Kenya ka iman jirey, taasoo ka horjeedda, Dastuurka Somalia, xuquuqda madaniga ah, anshaxa ganacsiga, qiyamka caadiga ah iyo sida loo sameeyo xiriirrada caalamiga ah.

Hadalsame Media