Booliiska Sweden oo MEEL aan marnaba caadi ahayn ugu galay rag carruur kufsanayey + Xeesha (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 24 Agoosto 2021 – Laban in ayaa loo haystaa eedaymo la xiriira inay carruur yar yar u bandhigeen dembiyo halis ah oo dhanka jinsiga ah iyagoo weliba in badan oo ka tirsan walxo meel ka dhac ah ku faafiyey qaybta qarsoodiga ah ee internet-ka madow ee loo yaqaan darknet oo ah qayb aanu ka shaqaynayn wax xeer ihi.

Si arrintan wax looga ogaado loona soo saaro haybta gaarka ah ee raggan eedaysan, waxay booliisku u direen nin dhar cad ah oo deeto raggaasi kula xiriirey isla madasha darknet-ka, taasoo keentay inay ku casuumaan inuu dembiga kala qayb qaato.

Emelie Källfelt oo ah dacwad oogaha gacanta ku haya kiiska nimanka eedaysan ayaa sheegtay inaan caadiyan loo baran inay booliisku qaabkan wax u daba galaan.

Maxkamadda raggan oo inkirsan dembiga loo haysto ayaa lagu wadaa inay muddo 2 todobaad gudohood ah ay kasii socoto Maxkamdda Degmada Eskelstuna.

Hadalsame Media