Bulshada Rayidka oo iyaguna ka hor yimid hab-raaca doorashada ee lasoo saaray

0

(Muqdisho) 24 Agoosto 2021 – Ururrada Bulshada Rayidka ayaa iyaguna kasoo hor jeestey hab-raaca ay samaysteen madaxda Maamul-goboleedyada oo u muuqda qaab loogu tala galay in lagu maroorsado doorashada dalka.

“Ururrada Bulshada Rayidku waxay si adag uga soo hor jeedaan qaabka loo marayo geeddi socodka Doorashada 2021 ee ay dhowaan soo bandhigeen Golaha Wadatashiga Qaran,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay ururradan.

”Hab-raacan waxaa lagula tuntay xuquuqihii asaasiga ahaa ee uu muwaadinku u lahaa in uu si daah-furan wax u doorto, xalna ku iman maayo wax aan ahayn doorasho daah-furan.” ayay daba dhigeen.

Waxay sheegeen inay ka digayaan in qaabkan oo weli bilow haddii aan wax laga qaban oo aan la sixin uu dalka dib ugu celin karo colaado hubaysan oo ay horay dalka u geliyeen siyaasiyiin wax kala jiidanaysa.

Waxaa sidan oo kale horay hab-raacan ugu gacan sayray Midowga Musharrixiinta iyo xitaa dadwaynaha iyo warbaahinta dan-garadka ah oo ku tilmaamay mid aan xitaa doorasho lagu tilmaami karin.

Hadalsame Media