”Halla hubeeyo qof kasta oo Soomaali ah!” – Hoggaanka ONLF oo war cusubi kasoo baxay

0

(Jigjiga) 21 Agoosto 2021 – Hoggaanka Jabhaddii ONLF oo haatan isu rogtey xisbi siyaasadeed oo Itoobiya ka shaqeeya, Abdirahman Mahdi Maadey, ayaa Soomaalida ku boorriyey inay is hubeeyaan jeer ay kasii darayso xiisadda Ethiopia.

Ninkan oo shalay bixiyey waraysi dheer, ayaa ku dooday in gobollada kale ee haatan ka tirsan Itoobiya ay is wada hubaynayaan sidaa darteed, Soomaalidana looga baahan yahay inay ku daydaan oo is hubeeyaan.

“Dadku waa inay is diyaariyaan, is hubeeyaan oo qoryo iibsadaan sida Amxaarada loo sheegay inay isu hubeeyaan, qoryihiinna qaata,” ayuu yiri hoggaanka ONLF oo sidoo kale soo jeediyey in la isu dumo ciidanka iyo dadka la hubaynayo.

”Haddii uu qof kasta meeshiisa uun joogo, ma awoodi doonno inaan is difaacno.” ayuu daba dhigay.

Wuxuu baaqani imanayaa xilli ay sii laba kaclaynayso xiisadda Itoobiya kaddib markii uu dagaalku ku fiday gobollo ka baxsan Gobolka Tigraay oo doonaya inay qori dab leh ku dhejiyaan Itoobiya.

ONLF oo muddo dheer sheegi jirtey inay u hardamayso inay dib ugu biirto Somalia ama ugu yaraan gobolkeeda la go’do ayaa haatan ku biirtay nidaamka Itoobiya.

Gobolka Soomaalida ayaa la sheegay inaysan wax qorshe ah oo fadhiya lahayn iyagoo ciidan iyo sahay u diray dagaalka Tigraay xilli ay magaalooyin ka haystaa kilinnada iyaga deriska la ah sida Oromada iyo Cafarta.

Hadalsame Media