Dowladda Sweden oo sharci adag kasoo saaraysa iskuullada (Arday la eryi karo)

0

(Stockholm) 21 Agoosto 2021 – Weerarkii shalay ka dhacay Eslöv ee lagu qaaday macallin wax ka dhiga dugsiga Källebergsskolan ayaa wuxuu daruuri ka dhigay in shaqaalihii iskuulku ay qolalka kusoo xiraan ardayda, balse Wasiiradda Waxbarashada Sweden, Anna Ekström (S) ayaa SVT u sheegtay in loo baahan yahay in mustaqbalka laga tabaabushaysto dhacdooyinka noocan oo kale.

Anna Ekström ayaa intaa raacisay inay diyaar u tahay inay samayso wax kasta oo loo baahan yahay si loo hubiyo amaanka iskuullada Sweden, waxayna farta ku goddey inay dowladdu ka shaqaynayso qorshe qaran oo dhanka amaanka waxbarashaa ah si ay ardaydu jawi nabdoon wax ugu bartaan.

”Marka la qaadanayo casharrada maalinlaha ah xaqiiqdii waa muhim inay ardaydu xasillooni dareemaan si ay wax u bartaan.” ayay tiri Ekström.

Hadalsame Media