”Funaanadihiinna guba ee kala dhuunta!” – Kabtankii Xulka Gabdhaha Afghanstan oo digniin cabsi leh soo saartay + Sawirro

0

(Copenhagen) 21 Agoosto 2021 – Kabtankii hore ee Xulka Gabdhaha Kubadda Cagta Afghanistan ayaa soo jeedisey inay gabadhuhu tiraan bogaggooda Baraha Bulshada, funaanadohoodana gubaan kaddibna dhuuntaan, maadaama uu dalka qabsaday nidaamka Daalibaan.

Khalida Popal oo ku nool magaalada Copenhagen oo waraysi bixisay ayaa ku doodday in malliishiyaadka Daalibaanku ay horay u dileen, u kufsadeen una dhagxiyeen haween Afghani ah taasoo cabsi gelinaysa gabdhaha isboortiga, sida ay sheegtay.

Popal, oo wax ka asaastay horyaalka haweenka ee dalkeeda, ayaa sheegtay inay had iyo goor tahay cod dumarka ku dhiirriya inay “xaqooda u istaagaan, ay geesi noqdaan ayna muuqdaan” balse ay haatan farriin kale u siddo.

“Maanta waxaan idin leeyahay funaanadaha guba ee naftiinna badbaadsada xitaa haddii ay i xanuujinayso inaan sidaa iraahdo.” ayay tiri.

Xukunkii hore ee Daalibaan ee 1996-2001, ayaa dumarka u diidi jirey inay wax bartaan, shaqeeyaan ama xitaa guryaha ka baxaan iyadoo aanu qofna wehlinin, iyadoo haddii ay taasi dhacdo ay garaaci jireen Booliiska diimeed ee Daalibaan.

Hadalsame Media