Nairobi oo yeelanaysa tagaasi duulaysa (Laba shirkadood oo heshiis galay)

0

(Nairobi) 21 Agoosto 2021 – Dadka Nairobian-ka ah ayaa qarka u saaran inay arkaan tagaasi duulaysa kaddib markii ay heshiis kala saxiixdeen calan sidaha dalkaasi ee Kenya Airways iyo shirkadda reer Brazil ee gawaaridan samaysa ee Embraer.

Tagaasidan oo bilowga ka howlgeli doona gegada caalamiga ah ee ayaa Jomo Kenyatta International Airport (JKIA), ayaa soo dhimi doona waqtigii looga iman jirey garoonka oo ay kusoo koobi doonaan 6 daqiiqadood marka aad doonayso bartamaha ama faras magaalaha Nairobi.

Shirkadda Brazilian-ka ah ayaa todobaadkii tegey heshiis is afgarad ah la gashay Kenya Airways oo sidoo kale doonaysa inay hesho dayuurado joog ama qumaati u duuli kara oo koronto ku shaqeeya 2015-ka, taasoo la yiraahdo EVA oo aan u baahnayn wax duuliye ah.

Hadalsame Media