Maxaa keenay inay si deg deg ah u dunto dowlad la maalgelinayey muddo 20 sanadood ah?!

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2021 – Ciidanka Afgaanistaan waa 300 oo kun. Labo jeer ayuu ka tiro iyo hub badnaa Taalibaan, xagga tababarkana warkeed daa. Dagaal la’aan ayey Taalibaan la wareegeen taladii dalka. Ciidankii cirka, madaafiicda goobta, kumaandoostii, sahankii iyo kuwii lugta midkoodna dagaal ma gelin.

Ciidanka Afgaanistaan ma haynin niyad ay ku diriraan, ma garanaynin sabab ay u dhintaan. Waxaa intaa u dheeraa in aysan bilo badan helin xuquuqdii ay lahaayeen. Taalibaan waxay iibsadeen Saraakiishii sarsare, ballan qaadna way u sameeyeeen in xilalkooda loo daynayo, inta badan askartiina mushaar ayey u qoreen. Askartiina waxay ku yiraahdeen Ameerikaan way baxayaane godob ha isku gelinina, hadda fursad cafis ayaad haysataan.

Haddii ay siyaasaddu tahay saylad wax lagu kala iibsado, laga hodmo, musuq iyo eex miiran noqoto, mabda’, mooral, qiyam, aydiloojiyad iyo aragti jirin xaggee ciidanku ka keenayaa niyad iyo moraal uu cadawga kula diriro.

Askarigu waa in uu helaa sharciyad uu difaaco mabda’ uu u dhinto, iyo taariikh uu ka tago.

Ma waxay nala tahay in ciidankeennu aysan ogeyn sida ay madaxdiisu u dhaqmaan, ama talada ku yimaadaan. Askariga og in doorashada deegaankiisa ka dhacday ay ku baxday malaayiin doolar, isaguna uu furinta dagaalka ku gaajeysan yahay, intee la eg ayuu dirirta cadawga sii wedi karaa? Tan kale, Beesha adduunka ee dhaqaalaha ku bixinaysa AMISOM, markii lagu yiraahdo yiraahdo doorasho aan tartan lahayn oo wada malxiis ah ayaa dhacday ee ictiraaf dowli ah siiya waa go’aan Soomaaliyeed, maxay hoosta ka xarriiqayaan?

Farqi ayaa u dhexeeya xil iyo masuuliyad. Xilku waa jagada aad hayso, laakiin masuuliyaddu waa sida aad ugu dhaqanto, u xeeriso duruufaha kugu hareeraysan iyo dadka wax kaala dhexeeyaan, sawiran karto natiijada ka dhalanaysa go’aanka aad qaadanayso iyo awoodda aad adeegsanayso.

Waxaa soo baxday in madaxdii Afgaanistaan ee uu madaxweynaha u waynaa in ay xilal uun hayeen, laakiin aysan masuuliyiin ahayn, taas ayaana keentay in ay hal subax xilalkii ka cararaan.

Taliban forces patrol a street in Herat, Afghanistan August 14, 2021. REUTERS/Stringer NO RESALES. NO ARCHIVES

Waxaa Qoray: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Hadalsame Media